Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Haweenka Switzerland oo mamnuucaysa xirashada Indho-shareerka

Switzerland oo mamnuucaysa xirashada Indho-shareerka

0

Himilo – Haweenka ku nool switzerland wixii hadda ka dambeeya looma oggolaan doono inay indho-shareer ku xirtaan goobaha dadweynaha ee gaadiidka.

Afti dadweyne oo la sameeyay ayay ku suuro gashay in la mamnuuco indho-shareerka iyo wax walba oo wejiga qofka dabooli kara oo uu ku jiro afsaabka.

51.2% dadweyniha reer switzerland waxay u codeeyeen mamnuucidda Niqaabka. Muslimiinta ku dhaqan dalka ayaa u arkay go’aan islaamka ka dhan ah.

Hindisaha sharcigan ayaa soo billowday sannadkii 2009 sida uu sheegay golaha muslimiinta Switzerland oo aad u canbaareeyay sharcigan cusub.

Dhawr dal oo ku yaalla yurub sida France, Belgium, Netherlands iyo Bulgaria ayaa horey u mamnuucay xirashada indho-shareerka. Tallooyinkan oo ay muslimiintu u arkaan islaamka nacayb ku sii kordhaya qaaraddaas.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version