Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Taiwan – Shaqaale jawaan ka helay $10,140 oo dib ugu celiyay milkiilihii...

Taiwan – Shaqaale jawaan ka helay $10,140 oo dib ugu celiyay milkiilihii lahaa

0
Sawirka wiilka helay

Himilo – Shaqaale nadaafadeed oo ku sugan Taiwan kuna jiray nadaaminta dhar deeq ah ayaa waxa uu ka helay warqad guduudan oo ay ku jirto lacag caddaan ah oo gaareysa $10,140.

Xafiiska ilaalinta degmada Taichung Nantung  ayaa sheegay in Huang Chi-lung, 28 jir ah kana mid ah shaqaalahooda nadaafadda uu lacag ka helay dhar uu kala saarsaarayay.

Markii uu lacagta arkay wuxuu ku war-geliyay maamulkiisa. Masuuliyiinta waxay sheegeen inay geeyeen lacagta xarun Booliis oo lagu aqoonsaday milkiilahada lacagta kaddib macluumaad la helay.

Haweeneyda lacagta leh waa 72 jir waxay sheegtay in ninkeeda uu si kala hubin la’aan ah uu ugu daray shayga ay ku jirtay lacagta jawaanka dhar lagu deeqo lagu aruurinayay.

Ms Zou waxay lacagta u dhiganaysay inay adeegsato markay hawl gab noqoto iyo inay ku gaddo haddiyo ay ugu tala gashay arooska gabadheeda.

Xafiiska ilaalinta degaanka ayaa laga soo xigtay Zou waxay shaqaalaha nadaafadda u keentay sallad tufaaxyo ah oo ay ku muujineysay abaalka ay uga hayso inay lacagteeda dib ula mideeyaan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version