Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Tim Sherwood: “Chelsea waa ay ku guuleysan kartaa horyaalka EPL ee fasalkan”

Tim Sherwood: “Chelsea waa ay ku guuleysan kartaa horyaalka EPL ee fasalkan”

0

Himilo – Tababarihii hore ee Tottenham Hotspur ninka lagu magacaabo Tim Sherwood ayaa aaminsan in  Chelsea ku guuleysan karto horyaalka fasal ciyaareedkan.

Blues ayaa ku riyaaqday billow wanaagsan oo xilli ciyaaredkan ah iyaga oo hadda ku jira seddexda kaalin ee ugu sarreysa horyaalka.

Chelsea ayaa si weyn suuqa u gashay xagaagan iyaga oo keensaday dhowr xiddig sida Hakim Ziyech, Timo Werner, Ben Chilwell, Thiago Silva, Kai Havertz, iyo Edouard Mendy.

Markii wax laga weydiiyay fursadda ay Chelsea u heysato ku guuleysiga Premier League xilli ciyaaredkan ayuu yiri hoggaamiyihii hore ee Tottenham Hotspur:

“Waxaan u maleynayaa in ay taasi sameyn karaan, waan aaminsannahay in sannadkan noqon karaan guuleystiyaasha horyaalka”.

Kooxda Blues ayaa si ammaansan ku bilaabatay horyaalka Premier League iyada oo kulamo badan shabaqooda ilaashaday.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version