Home Arrimaha Bulshada Tirada falalka xatooyada Jarmalka oo hoos u dhacday

Tirada falalka xatooyada Jarmalka oo hoos u dhacday

0

Himilo – Tirada falalka xatooyada Jarmalka ee sannadkii 2019-ka ayaa gaartay halkii ugu hooseysay tan iyo sannadkii 1987-dii.

Warbaahinta Deutchlan oo soo xiganaysa tirakoobyo booliiska uu sameeyay ayaa qortay in falalka xatooyada Jarmalka hoos uga dhaceen 9.5% oo ah heerkii ugu hooseeyay muddo 33 sanno ah.

Falalka rabshadaha ee Jarmalka ayaa sidoo kale hoos uga dhacay 3.2%. Keliya waxaa la diiwaan geliyay 185377 fal dambiyeed. Danbiyada loo qabtay eedeysanayaal ayaa gaaray 2.56%.

Sida ay qortay wakaaladda wararka Jarmalka, 30% dadka ku lug yeeshay falalka xatooyada ayaa noqday ajaanibta aanan u dhalan dalka.

Marka la eego danbiyada ka dhanka ah carruurta, booliiska Jarmalka ayaa diiwaan geliyay koror ka badan sannadkii 2018-ka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version