Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Togdheer, Sool iyo Sanaag xoolaha oo u dhimanaya baad iyo biyo la’aan

Togdheer, Sool iyo Sanaag xoolaha oo u dhimanaya baad iyo biyo la’aan

0

Himilo -Dadka ku nool gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag ayaa wajahaya abaar daran oo daba-dheeraatay. Ilihii biyaha ayaa qallalay.

Xoolihii aasaaska u ahaa nolosha dadka ayaa u dhimanaya baad iyo biyo la’aan. Ilaa 60,00 oo neef ayaa dhintay, halka 120,000 oo kale ay ku jiraan xaalad liitada.
Waxaa jirta hubanti la’aan dhanka cunnada ka sii daraysa, halka 156,000 oo qof ay gudaha ku barakaceen.
In ka badan 55 kun oo qof ayaa u barakacay dalalka deriska, Waxaa la diiwaan galiyay carruur iyo dad waayeelo ah oo la tagay maaddaama hayaan dheer aysan geli Karin.
Dadkan ayaa si degdeg ah ugu baahan, biyo, cunno, hoy iyo ilaalin.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version