Himilo – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in wada-hadallo cusub oo lala yeelanayo Iran ay bilaabanayaan, isla markaana heshiis uu dhow yahay, gaar ahaan arrimaha la xiriira furitaanka Marinka Hormuz iyo barnaamijka nukliyeerka Iran.
Trump wuxuu sheegay inuu baajiyay weerarro waaweyn oo qorshaysnaa oo ka dhan ahaa Iran, isagoo xusay in dalalka Qatar, Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay ka codsadeen in fursad la siiyo xal diblomaasiyadeed. Wuxuu intaas ku daray in weerarradaasi ay noqon lahaayeen kuwii ugu waaweynaa tan iyo Dagaalkii Labaad ee Adduunka.
Si kastaba, Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Iran, Esmaaciil Baqaa’i, ayaa sheegay in Iran aysan martigelinayn wax wafdi ah ama aysan booqanayn dal kale maalmahan, inkastoo uu xaqiijiyay in wada-hadallo laba geesood ah ay la leeyihiin Cumaan oo ku saabsan dib u furista Marinka Hormuz, islamarkaana horumar laga sameeyay.
Wararka ayaa sheegaya in Qatar iyo Pakistan ay kaalin dhexdhexaadin ah ka qaadanayaan, hase yeeshee khubaro badan ayaa shaki geliyay in heshiis dhammaystiran oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Iran uu dhow yahay, iyagoo rumeysan in wada-hadalladu ay hadda inta badan diiradda saarayaan Marinka Hormuz.
Dhanka kale, saraakiisha Mareykanka ayaa caddeeyay in ciidamadoodu weli heegan buuxa ku jiraan, isla markaana ay diyaar u yihiin inay weerarro cusub qaadaan haddii dadaallada diblomaasiyadeed ay fashilmaan. Dhanka kale, qiimaha shidaalka caalamka ayaa hoos u dhacay kadib markii Trump uu ku dhawaaqay baajinta weerarradii qorshaysnaa.
