Himilo – Ciidamada Waddanka Ruushka ayaa wali dagaal kula jira kuwa Ukraine iyada oo uu dagaalku galay maalintii 4aad.
Ciidamada Ukraine inkasta oo dhinac kasta laga awood badan yahay, haddana waxaa ay muujiyeen iska caabbin adag. Ciidamada Ruushka ayaa aad u adeegsanaya duqeyta diyaaradaha, maraakiibta badda iyo gantaallada meelaha fog fog wax ka dila.
Ruushka ayaa gudaha u galay magaalada labaad ee ugu weyn Waddanka Ukraine, Sharkiv, waxaana ay waddooyinka magaaladaas kula dagaallamayaan Ciidamada Ukraine oo iska caabbin adag wada.
Khubarrada Ciidamada iyo ammaanka ayaa sheegaya in Ciidanka Ruushka aysan u sahlaneyn qabsashada Kyiv oo ah caasimadda Waddanka, xitaa haddii ay qabsadaanna waxaa adag in ay heystaan maaddaama Ciidamada gaarka ah ee Ukraine ay magaalada ka jareen waddooyinkii loo mari lahaa.
Waxaa ay sidoo kale Dowladda Ukraine ka saartay waddooyinka magaalada dhamaan calaamadaha wadda marista iyo tilmaamaha ee Ciidanka Ruushka horseedi lahaa in ay tagaan madaxtooyada haddiiba ay qabsadaan Xarunta waddankaas.
Madaxweynaha Ukraine ayaa amray in ragga da’doodu u dhaxeyso 18 jir ilaa 60 jir aysan ka bix Karin waddanka; hubkana qaataan oo ay dalkooda difaacaan.
Muxuu Ruushka ka rabaa Ukraine?
Putin; Madaxweynaha Waddanka Ruushka ayaa dhowr sabab ku sheegay faragelintiisa dalka Ukraine.
- In Ukraine ay codsatay in ay xubin ka noqoto Isbaheysiga NATO ee reer Galbeedka oo Ruushka cadow ku ah, islamarkaana uusan Ruushka taas aqbaleyn dagaalna ka xigo, maaddaama ay NATO soo degi karto Ukraine oo soohdin la leh dalkiisa.
- In Ukraine ay diidday soo jeedinta Ruushka oo ay milatarigeeda baabi’iso lana mid noqoto dalalka aan cadowga ku ahayn Ruushka ee ku hareereysan.
- In Madaxweynaha Ukraine uu yahay nin u janjeera reer Galbeedka, sidaas darteedna uu ka shaqeynayo in NATO ay soo degaan irdaha Ruushka.
- In Putin uu doonayo in Ukraine ay ka dhalato dowlad madaxbanaan, taabacsan Ruushka Milatargana ka caaggan.
Diblomaasiyadda.
Wafdi ka socda waddanka Ruushka ayaa gaaray dalka Belarus oo deris la ah labada dal ee Ukraine iyo Ruushka, arrinkan ayaa ka dambeeyay markii Madaxweynaha Ukraine uu ku baaqay wada-hadal, laakiin ay shuruudda Ukraine ka dhigtay in lagu wadahadlo waddan saddexaad.
Ilo ku dhow madaxtooyada Ukraine ayaa sheegaya in ay dowladda wali ka caga jiideyso dalka Belarus maaddaama Ciidamada Ruushka ay dalka Ukraine ka galeen dhinaca waddanka Belarus una arki Karin dal dhex dhexaad ah sidaas darteedna aysan wafdigeeda tagaynin dalkaasi.
Dhinaca dhaqaalaha.
Ruushka iyo Ukraine isku darkooda waxaa ay soo saaraan afar meelood meel ka mid ah Khamadiga laga cuno Adduunka; waxaa kale oo ay Ukraine hodon ku tahay kheyraadka kale ee dabiiciga ah oo uu Ruushka fursad u arko in uu kor ka maamulo ama isaga looga dambeeyo.
Waxaa uu doonayaa Putin in Ukraine ay noqoto dal aan halis ku ahayn amniga, dhaqaalaha iyo jiritaanka Ruushka, sidaas darteedna meesha laga saaro dowlad kasta oo Ruushka ka soo horjeedda ee dhalata Ukraine.
Ukraine kaddib dalalka ku xiga ee uu Ruushka geli doono?
Madaxweyne Putin ayaa u digay dalalka Finland iyo Sweden haddii ay isku dayaan in ay ku biiraan NATO inay la kulmi doonaan xaaladda Ukraine oo kale, islamarkaana uu la dagaallami doono.
Dalalkan oo ku dhow Ruushka ayuu u arkaa in haddii ay ku biiraan NATO ay taas Qatar ku tahay jiritaanka Ruushka waxaana uu ku hor istaagayaa xoog iyo xeelad tii u furnaanta.
Qore: Adan Ibrahim Faarax ‘Showqi’.
