Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Waa kee xiddiga ay ku fashilantay saxiixiisa Paris Saint-Germain?

Waa kee xiddiga ay ku fashilantay saxiixiisa Paris Saint-Germain?

0

Himilo – Paris Saint-Germain ayaa u dhawaatay Real Madrid xagaagii lasoo dhaafay si ay u go’aamiso inay macquul noqon karto saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe ee reer Brazil Casemiro.

28 jirkaan ayaa Madrid kaga soo biiray Sao Paulo sanadkii 2013, waxaana uu noqday ciyaaryahan muhiim u ah kooxda heysata horyaalka Spain, isagoo saftay 266 kulan tartamada oo dhan.

Ciyaaryahanka khadka dhexe ayaa markale muhiim u ah kooxda Zinedine Zidane xilli ciyaareedkan, isagoo ka qeyb qaatay shan gool iyo labo caawin 26 kulan oo uu ciyaaray.

Sida laga soo xigtay Marca, PSG ayaa wax ka weydiisay xiddiga reer Brazil intii lagu jiray suuqii xagaaga ee la soo dhaafay, laakiin Madrid ayaa caddeysay inuusan iib aheyn qiimo kasta.

Warbixinta ayaa sheegeysa in Los Blancos, oo dhaqaale la’aan la daalaa dhaceysa , aysan sidoo kale diyaar u aheyn inay dhageysato dalabyada u imaanaya South American-ka suuqa soo socda. Casemiro wuxuu qandaraaskiisa Bernabeu ku egyahay June 2023.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version