Himilo– dagaalka Marinka Gaza ka socda afartan dalka ayaa sii hurin kara.
- Boqortooyada Saudia Arabiya.
Israel waxay waqti badan ku bixisay inay heshiis lagaarto dalalka khaliijka carabta, todobaad ka hor inta uusan dhicin wax lagu tilmaamay ‘Heshiis taariiqi ah’ oo u dhaxeeye Sacuudiga carabiya iyo Israel ayuu dhacay weerarka Xamas ay ku qaatay Israel, balse Jawaab celinta ciidanka Israel ay sameeyeen waxay keentay in dhaxalsugaha Riyaad uu ka laabto heshiiskaas, si cad ayuuna ulla saftay shacabka falastiin.
Qaarkamid ah dadka siyaasada falanqeeya waxay aaminsan yihiin weerarka Xamas in uu gaaray mid kamid ah hadafkii looqorsheeye ee ahaa inay ka hortagaan heshiisyada dhaxmaraya Israel iyo dalalka Qaliijka.
- Dalka Iran
Israel cadowgeeda ugu weyn waxay u aragtaa Iran waxayna ku eedeyse inay taageerto kooxaha Xamas iyo Xisbullaah. Iran waxay si cad u taageertay kooxda Xamaz waxayna ku dhawaaqday dalaalku in uu ku fidayo hareeraha Israel hadii aysan duqeynta shacabka falastiin ka joojin.
Hada sida muuqadata dagaalka Israel iyo Falastiin u dhaxeeya waxa uu u muuqdaa in uu mideeye dalalka Iran, Boqortooyada Sacuudiga iyo Qatar oo markii hore kala aragti duwana, taasina waa mid dhabar jabka ku ah Israel.
- Russia
Madaxweyne Putin dagaalka iyo duqeynta dadka shacabka ee Falastiiniyiinta lagu hayo waxa uu ku tilmaamay, fashil ku yimid siyaasadii mareykan-ka ee bariga dhexe. Russia oo dagaal adag kula jira Ukraine, midkamid ah garbihiisa ugu weyn ee dagaalka ka taageera waa dalka Iran, maadaama Iran ay Xamaz taageerto waxaa suuragal ah Russia in uu isna dagaalka Soogalo isagoo dhanka Iran ka socda.
- Mareykan-ka
Mareykan-ka warkiisa waa cad yahay, Biden waxa uu si cad u garab istaagay Israel, isagoo ku tilmaamay dhuqeynta ciidanka Israel ay geysanayaan inay tahay miday isku difaacayan, maraakiibta dagaalka ee mareykan-ka ayaana lageeye xadka Israel, halka malaayiin dollar-na uu maamulka Beden siiiye Israel. xaalada waxaa sii adkeyn kara Xamaz oo qabsatay Israeliyiin heysta dhalashada mareykan-ka. Hadii dagaalku sii socdo waxa uu isku rogi doonaa mid caalamka dhan saameeya.
