Himilo-Magaalooyinka London iyo New York waxaa ruxay dibad baxyo lagu garab istaagayo dadka shacabka ah ee falastiiniyiin ee ku dhibaatoonaya duqeynta ciidanka Yahuuda.
Xilli ciidanka Booliska -ka mareykan-ka iyo Ingiriisku ay iskudayayaan inay xakameeyaan dibadbaxyada. Magaaloyinka dibad baxyadu ruxeen waxaa kamid ah London Manchester iyo Edinburgh oo Scotland ah iyo magaalooyin kale.
Dibad baxayaasha qayb kamid ah waxay ruxayeen calanka falastiin iyagoo ku dhawaaqaya erayo ay kamidyihiin ‘ha la soo gabagabeeyo xasuuqa’ iyo ‘ha la cunaqabateeyo Israel’
Mid kamid ah dadka dibad baxa dhigaye oo warbaahin lahadlay ayaa yiri ‘waa in dadka aduunka oo dhan ay garab istaagaan falastiin’.
Magaalada London ciidanka Police-ka ee sugaya amniga waxaa lagu kordhiye 1,000 askari si ay u xakameeyaan dibad baxyaasha.
New York dadku waxay dowlada ka dalbanayeen inay joojiso dhaqaalaha ay Israel siineyso oo shacabka falastiin lagu gumaadayo.
