Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Dhaqaale WhatsApp oo xadidaya farriimaha lagu wadaago

WhatsApp oo xadidaya farriimaha lagu wadaago

0

Himilo FM – WhatsApp ayaa hoos u dhigaya inta jeer ee qof uu farriin diri karo isaga oo adeegsanaya shabakadda laga bilaabo maanta oo talaado ah. Waxay tani imaaneysaa iyadoo shabakadda farriimaha lagu wadaago ee caanka ah dooneyso inay la dagaalanto wararka lagu marin habaabiyo bulshada.

Markii hore, qofka adeegsanaya WhatsApp waxa uu awood u lahaa inuu farriin u diri karo 20 qofood ama koox laakiin hadda waxa uu farriintiisa gaarsiin karaa keliya 5 qofood.

Tijaabada arrintan waxay shirkada ka sameysay Hindiya bishii July ee tagtay kaddib markii warar been abuur ah oo la faafiyay horseedeen dhimasho iyo dhaawac.

“ Waxaan soo saareynaa xadeynta cusub caalamka oo dhan laga bilaabo maanta,” ayay tiri Victoria Grand oo ah madaxweyne ku-xigeenka WhatsApp ee dhanka siyaasadda iyo xiriirka.

WhatsApp oo leh macaamiil gaaraysa 1.5 Bilyan oo qofood ayaa dadaal ugu jira hababka loo joojin karo marin habaabinta loo adeegsado shabakadda oo lagu dhaliilay inay tahay midda ugu badan ee lagu faafiyo wararka beenta ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version