Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home COVID 19 WHO: Tallaalku ma ciribtiri doono Covid-19

WHO: Tallaalku ma ciribtiri doono Covid-19

0

Himilo – Hay’adda Caafimaadka dunida ee WHO ayaa ka digtay in la isku haleeyo tallaalada Covid-19, kuwaas oo ay sheegtay inaysan ciribtiri karin cudurka dilaaga ah.

“Tallaaladu kama dhigna in xanuunku baaba’ayo, waxey kaabe xoogan u yihiin qalabka lagu baaro Covid-19, balse isaga kaligii ma qaban karo shaqadaasi” sidaasi waxaa yiri agaasimaha xaaladaha deg degga ah ee WHO Michael Ryan xilli uu ka hadlayay saxafiyiinta.

Waxey digniinta WHO soo baxeysaa waqti dowladaha qaar ogolaanayaan in dadkoodu adeegsadaan tallaalka Covid-19, Britain ayaana noqotay dalkii ugu horreeyay ee reer galbeed ah ee tilaabadaasi qaado.

Shirkadaha soo saara tallaalka sida Pfizer-BioNTech ayaa dowladaha caalamka ka dalbanaya in ogolaansho siiyaan si loo isticmaalo tallaalka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version