Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Habka-Nolosha Xiddigta miisaanka culus ee Latvia oo qaadatay diinta Islaamka

Xiddigta miisaanka culus ee Latvia oo qaadatay diinta Islaamka

0

Himilo – Rebecca Kohla oo ah gabadha horyaalka u ah ciyaaraha miisaanka culus oo u dhalatay dalka Latvia ayaa qaadatay diinta Islaamka – iyada oo xiratay xijaabka. Waxay sheegtay in bog cusub ay nolosheeda u furantay.

“Maanta waa maalin goonni ii ah, waayo waxaan qaatay diinta Islaamka,” ayay kusoo qortay barteeda Instagram-ka. “Waxaan qaatay Shahaadada anigoo galay Islaamka, waxaana aaminsanahay inuu baal cusub u furmay noloshayda.”

Koha ayaa dhammaan boggeeda Instagram-ka ka tirtay sawiradii hore – iyada oo kaliya kusoo reebtay afar sawir oo ay xiran tahay xijaabka.

Waxay ka codsatay dadka ku xiran boggeeda inaysan wadaagin sawiradeedii hore oo jirkeeda iyo timaheedu muuqdaan.

Waxay dhalatay sannadkii 1998-kii. Waxayna laba jeer ku guuleysatay kooka miisaanka culus ee 58kg oo loo qabto da’yarta. Waxaa loo magacaabay xiddigta sannadka ee waddanka Latvia sannadkii 2016-ka.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version