Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Bartilmaameedka Man City iyo Arsenal ee Thomas oo sheegay in uu joogayo...

Bartilmaameedka Man City iyo Arsenal ee Thomas oo sheegay in uu joogayo kooxdiisa

0

Himilo FM – Ciyaaryahanka khadka dhexe ee kooxda Atletico Madrid Thomas Partey ayaa beeniyey inuu ka tagayo Wanda Metropolitano.

Manchester City ayaa lala xiriirinayay ciyaaryahanka khadka dhexe halka Arsenal ay sidoo kale dooneysay inay la saxiixato 25 jirkan.

Si kastaba ha ahaatee, Thomas ayaa sheegay in uu hubo inuu joogi doono kooxda ololaha 2019-2020.

“ Waxaan ku koray Atletico, waxaana hubaa in aan halkaan sii joogi doono,” Thomas ayaa u sheegay Cadena COPE.

Thomas ayaa ku sugnaa Atletico tan iyo 2012 isagoo matalayay kooxda labaad intii u dhaxeysay 2013 iyo 2015 ka hor inta uusan ku biirin qeybta sare. Ciyaaryahanka heerka caalami ee dalka Ghana ayaa lagu soo waramayaa in qandaraaskiisa lagu burburin karo 43 milyan oo ginni, waxaana uu 134 kulan u saftay Atletico Madrid tartamada oo dhan, waxa uu dhaliyay 12 gool isagoo 10 gool caawiyay

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version