Himilo: Tababaraha kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Carlo Ancelotti ayaa qiyaasay tirada goolasha uu dhalin karayo xiddiga reer England ee Jude Bellingham oo afartii ciyaarood ee ay Los Blancos dheeshay si joogto ah goolal u dhalinayay.
Jude Bellingham oo kooxdiisa Real Madrid ka caawiyey inay guul 2-1 ah xalay waqti dambe ka gaadho Getafe oo uu dhaliyey goolka waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta, ayaa waxa uu hoggaaminayaa gool-dhalinta Spain.
Carlo Ancelotti oo saxaafadda la hadlay, ayaa la weydiiyey tirada goolasha uu ka sugayo inuu u dhaliyo Jude Bellingham, waxaanu ku jawaabay: “Waxa uu dhibaato la’aan ku gaadhi karayaa 15 gool. Waxa uu u dhaqaaqaa si fiican waana sababta uu goolal badan u dhalinayo. Waa ciyaartoy si degdeg ah wax u barta, marar badan waxba uma sheegno isaga.”
Afartii ciyaarood ee horyaalka Spain ee LaLiga ee uu saftay ayuu dhaliyey shan gool, waxaana uu hoggaaminayaa abaal-marinta kabta dahabka ah inkasta oo ay waqti hore tahay.
