Home Cayaaro Liverpool oo dooneysa inay si weyn u xoojiso qadkeeda dhexe

Liverpool oo dooneysa inay si weyn u xoojiso qadkeeda dhexe

0

Himilo – Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa qorshaynaysa inay is-xoojiso marka uu furmo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga, waxaana boosaska uu Jurgen Klopp rumaysan yahay in ay tahay in kooxdu keento saxeexyo cusub ka mid ah khadka dhexe.

Jurgen Klopp ayaa la sheegay in uu ku wargeliyey shaqaalaha kooxda u qaabbilsan iibka, in aanay ka fadhiisanin sidii ay kooxda u keeni lahaayeen Andre Trindade oo khadka dhexe uga ciyaara kooxda reer Brazil ee Fluminense.

Kubbad-burburiyahan u dhashay Brazil oo qiimihiisa lagu sheegay £25.5 milyan oo Gini ayay Liverpool dalbatay xagaagii  lasoo xidhay, balse Fluminense ayaa diidday, waxaana uu madaxweynahooda Mario Bittencourt sheegay in aanay iibin doonin inta uu soo dhamaanayo horyaalka waddanka Brazil oo dhamaadka sannadka lasoo gunaanadayo.

22 jirkan oo ku wanaagsan kubbad reebista, dhaxda oo laga gooyo iyo in xataa weerarka la geeyo, ayaa waxa haddii ay Liverpool ku guuleysato saxeexiisa uu fursad siin doonaa Ryan Gravenberch oo dhawr boos oo khadka dhexe ah ka ciyaara oo hore loo riixi karo, amaba uu Klopp heli karo kala-doorashooyin dhawr ah.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version