Home Cayaaro Lukaku oo dib ula midoobey Mourinho

Lukaku oo dib ula midoobey Mourinho

0

Weeraryahanka Bilgiumka ee ku wareeray Chelsea ayaa mar kale amaah kaga tagay kooxda ka dhisan galbeedka London, isaga oo iska xaadiriyay Horyaalka Dalka Talyaaniga oo uu xagaagii hore ka ciyaarayay.

Lukaku oo ay wali leedahay Chelsea ayaa ku biiray Kooxda Roma ee caasimadda Talyaaniga ka dhisan,waxaana uu la midooobey Jose Mourinho oo mar tababare ugu ahaa kooxaha Chelsea iyo Manchester United.

Xiddigan ayey Kooxda Chelsea is fahmi la’yihiin kaddib wareysi uu si kulul uga hadlay kooxda Chelsea taas oo keentay in Kooxdu ay diiddo in ay iibiso.

Xagaagii hore Inter Milan ayuu amaah kula joogay haddana waxaa uu amaah ugu biiray Roma taas oo ka dhigtay xiddiga u dhaxeeya Chelsea iyo kooxaha Talyaaniga.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version