Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Daraasad Daraasad: Da’dee ayuu qofka ku bilaabaa caajiska?

Daraasad: Da’dee ayuu qofka ku bilaabaa caajiska?

0

Himilo FM – Daraasad ay sameysay jaamacadda Jyväskylä oo kaashanaysa machadka LIKES ayaa lagu sheegay in firfircoonida badan ee qofka hoos u dhacayso marka uu gaaro da’da 7 jirka.

Baarayaasha ayaa tilmaamay in carruurta noqonayaan kuwa caajis badan marka ay bilaabaan waxbarashada iyadoo aan la eegeyn haddii ay ahaayeen kuwa hore u firfircoonaa.

Erenia Lonasalow oo hoggaaminaysay baaritaanka ayaa shaacisay inay muhiim tahay in carruurta loo yeesho il-gaar ah inta ay korayaan. Waxay xustay in taageerada dugsiga iyo cayaaraha noqon karaan hab lagu xoojin karo firfircoonida dhammaan carruurta.

Khubarada ayaa baaray 27 daraasad oo la sameeyay intii u dhaxaysay 2004 illaa 2018 kuwaasi oo qiimeynayay heerka firfircoonida dadka ee da’ kasta.

Ms Erenia ayaa sheegtay in kaxeynta baaskiilka uu kordhin karo fursadaha firfircoonida iyadoo aan la eegeyn da’da qofka, jinsiga uu yahay iyo heerka waxbarashadiisa.

Ugu danbeyn, baarayaasha reer Finland ayaa tilmaamay in firfircoonada cunugga leedahay faa’iidooyin badan oo mustaqbalka ah haddii si wanaagsan loo tuso tubta hagaagsan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version