Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Arrimaha Bulshada Daraasad: Gabadha ku jirta qoyskiina ayaa ku siin karta farxad badan

Daraasad: Gabadha ku jirta qoyskiina ayaa ku siin karta farxad badan

0

Himilo – Daraasad ay sameeyeen jaamacadaha De Montfort University iyo Ulster ee Waqooyiga Ireland ayaa tilmaamtay in dadka ay la dhalatay gabar inay ka farxad badan yihiin kuwa aan helin nasiibkaasi.

Baaritaanka oo ay ka qeyb galeen 570 qofood oo da’dooda u dhaxayso 17 illaa 25 ayaa dadka lagu weydiiyay su’aallo kala geddisan oo ku saabsan caafimaadkooda sida uu qoray wargeyska Mirror.

Natiijadda ayaa muujisay in dadweynaha la wareystay oo ay la dhalatay gabar noqdeen kuwa si wanaagsan oo cad uga waramay dareenkooda farxadda iyo niyadd-wanaagga.

Prof Tony Cassidy oo sameeyay baaritaanka ayaa xusay in qofka heysta gabar la dhalatay in uu ka farxad badan yahay dadka kale, taasi oo xoojinaysa jiritaanka muhiimka ah ee dhismaha qoysaska.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version