Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Jarmalka: Maxkamad laashay go’aan lagu joojiyay aadaanka salaadda

Jarmalka: Maxkamad laashay go’aan lagu joojiyay aadaanka salaadda

0

Himilo – Maxkamad ku taalla Jermalka ayaa amartay in mar kale kor loo qaado aadaanka salaadda masjid ku yaalla waqooyiga dalkaasi.

Annette Kleinschnittger, garsooraha xukunka riday ayaa sheegtay in bulsho waliba ay xaq u leedahay inay si xorriyad leh ugu dhaqmaan diintooda, dadka kale ee la dariska ahna ay tahay inay dhowraan.

Lammaane deganaa meel 900-mitir ka fog masjidka, ayaa cabasho u gudbiyay codbaahiyaha Masjidka, taas oo keentay in aanan la maqlin aadaanka muddo shan sanno ah.

Bulshada muslimiinta ah ee ku nool xaafadda Oer-Erkenschwick ee waqooyiga Jermalka ayaa u badan kuwa asalkoodu kasoo jeedo Turkiga.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version