Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Maxkamad xukun xabsi ah ku riday nin muuqaal uu ku baahinayay barta...

Maxkamad xukun xabsi ah ku riday nin muuqaal uu ku baahinayay barta Tik Tok ku daray dhawaq rasaas.

1

Himilo – Maxkamadda danbiya Dubia, ayaa xukun xabsi ah oo gaaraya lix bil ku riday muwaadin u dhashay Bangladesh, kaas oo lagu helay danbi ah inuu dhawaq rasaas ku daray muuqaal uu ku baahiyay bartiisa Tik Tik-ga.

Ninka oo dalab-qaade maqaayadeed ah ayaa sidoo kale lagu xukumay inuu bixiyo ganaax lacageed oo gaaraya Dh5,000  oo u dhiganta 1,361 doolar, markii uu xukunkiisa dhameystana waxaa loo masaafurin doonaa dalkiisa.

13-kii Janaayo ee sanadkan ayuu muuqaalka dhigay bartiisa Tik Tok-ga oo ay ku xiran yihiin  11,400  oo ruux, waxaana muuqaalkaasi daawatay in ka badan 2,000 oo saaxibadiis ah.

Waxa uu qirtay 24-jirkan inuu bartiisa ku baahiyay muuqaal uu ku daray dhawaq rasaas oo been abuur ah, waxaase u furan inuu racfaan ka qaato laba toddobaad gudaheed.

1 COMMENT

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version