Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Roma oo hoggaamiye cusub u magacabeysa Maurizio Sarri

Roma oo hoggaamiye cusub u magacabeysa Maurizio Sarri

0

Himilo – Roma ayaa lagu soo waramayaa inay si aad ah u xiiseyneyso in ay tababare u magacowdo  Maurizio Sarri.

Tababaraha haatan kooxda reer Talyaani ee Paulo Fonseca ayaa cadaadis badan la kulmay dhawaanahan, iyadoo Roma ay 11 dhibcood ka hooseyso booska looga soo baxo Champions League kaddib guuldaradii ka soo gaartay Torino, Cagliari iyo Parma.

Corriere dello Sport ayaa ku warrameysa in Roma ay isku diyaarineyso inay u magacaawdo Sarri macalinkooda cusub haddii ay ceyriyaan Fonseca, iyadoo 62-sanno jirka wakiilada ay qorsheynayaan inay u safraan Talyaaniga si ay ula hadlaan agaasimaha kubadda cagta Roma ee Tiago Pinto.

Sarri wuxuu soo maamulay kooxo badan oo Talyaani ah, oo ay ku jiraan Napoli iyo Juventus, isagoo kula guuleystay Juventus horyaalkii Serie A-da 2019-20.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version