Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Macluumaad Muslimiinta Blackburn oo Nadaafadda ka shaqeynaya iyagoo sooman.

Muslimiinta Blackburn oo Nadaafadda ka shaqeynaya iyagoo sooman.

0

Himilo – Nadaafadda iyo bilic-ilaalinta wuxuu Islaamku siiyay mudnaan sarreysa.

Si ay u ilaaliyaan heerka fayadhowrka iyo degaan bilicsanaanta, Muslimiinta Blackburn ayaa iskaga yimid inay ol’ole nadaafadeed ka sameeyaan hareeraha masjidkooda – iyaga oo soo ururiyay 250 baag oo qashin ah – nadiifiyayna in ku dhow 100 laami iyaga oo waliba sooman.

Baaqoodii ah in la iskugu yimaado ol’olahan waxaa soo ajiibay in ka badan 60 da’da culus ah oo lab iyo dhedig isugu jira. Waxaana la isku qeybiyay koox koox la iskuna jaaday dhinacyada samafalayaasha oo dhan si ay wadajir uga howlgalaan ol’olaha bilic-joogteynta.

Kaddib saacado xiriir ah oo ay u dhabar-adeygeen howshooda iyaga oo sooman, waxay wax muuqda oo la taaban karo ka sameeyeen Blackburn.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version