Himilo – Magaalada Kano ee waqooyiga Nayjeeriya waxaa lagu qabtay aroos wadareed ay ku midoobeen 1,500 lammaane, iyadoo maamulka gobolka uu sheegay in munaasabadda loogu talagalay in lagu caawiyo qoysaska danyarta ah ee aan awoodin kharashaadka guurka, isla markaana lagu xoojiyo xasilloonida bulshada.
Munaasabadda oo socotay laba maalmood ayaa waxaa maalgeliyay barnaamijka daryeelka bulshada ee gobolka, waxaana ka qayb galay lammaanayaal laga soo xulay 44 degmo. Guddoomiyaha gobolka Abba Kabir Yusuf ayaa ansixiyay qorshaha, isagoo ku bixiyay ku dhowaad $1.1 milyan.
Lammaanayaasha ka hor aqal galka waxaa loo sameeyay baaritaanno caafimaad oo ay ku jireen HIV, cagaarshowga (hepatitis) iyo hubinta is-waafajinta hidde-sideyaasha (genotype).
Mid ka mid ah ragga guursaday, Samini Tijani Isa, ayaa sheegay in haddii uusan jirin arooska wadareedku uusan awoodin inuu guursado ugu yaraan shanta sano ee soo socota, sababo la xiriira duruufaha dhaqaale.
Madasha guurka ayaa lagu qabtay masaajidka weyn ee Kano, waxaana loo maray xeerarka iyo dhaqanka Islaamka. Dowladda gobolka ayaa sheegtay in lammaanayaasha cusub la siin doono alaab guri, cunto, agab kale oo qoyska muhiim u ah iyo taageero dhaqaale, si ay u fududaato bilowga noloshooda qoysnimo.
