Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Cayaaro Waa kuma da’yarka Man City ka arkootay kooxda Barcelona?

Waa kuma da’yarka Man City ka arkootay kooxda Barcelona?

0

Himilo- Kooxda Man City ayaa u aqoonsatay da ‘yarka kooxda Barcelona ee Ilaix Moriba inuu noqon karo saxiixa mustaqbalka .

Iyadoo muhiimadda ugu weyn ee Pep Guardiola uu isku dayayo inuu burburiyo hogaaminta Liverpool ee tartanka horyaalka Premier League, madaxda kooxda City ayaa qiimeynaya fursadaha ay heli karaan in ay keenaan  Etihad Stadium wajiyo cusub.

Sida ay sheegayaan wararka Spain ka soo baxaya, Moriba ayaa diirada u saaran kooxda reer England isagoo kasoo muuqday mid ka mid ah da ‘yarta aadka looga jecel yahay Camp Nou.

In kasta oo uusan gaarin 16 sano illaa bisha Janaayo, waxaa jira soo jeedin ah in dhallin yarkan uu si dhakhso lehboos  uga geli doono safka koobaad.

Si kastaba ha noqotee, warbixinta ayaa intaas ku dareysa in Lionel Messi uu door muhiim ah ka ciyaarayo hubinta in Moriba uu sii wado horumarkiisa kooxda Isbaanishka.

Xiddiga reer Spain ee da’doodu ka yar tahay 17 sano ayaa weli ka harsan laba sano iyo bar qandaraaskiisa ah.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version