Sorry, you have Javascript Disabled! To see this page as it is meant to appear, please enable your Javascript!
Home Aragtida Islamka Daalibaan oo amartay in la xiro goobaha Haweenku isku qurxiyaan

Daalibaan oo amartay in la xiro goobaha Haweenku isku qurxiyaan

0

Ururka Daalibaan ee haya talada Waddanka Afghanistaan ayaa soo saaray amarro cusub oo ay ku joojiyanayaan Xarumaha ay iku qurxiyaan Haweenka dalkaas ee Saaluunka loo yaqaan.

Wareegto ka soo baxday Daalibaan ayaa lagu ogeysiiyay dadka ay u furanyihiin Gacasiyadaas in ay heystaan muddo bil ah oo ka billaabata labada julaay kuna eg labada Agoosto.

Waxaa ay sheegeen sidoo kale in Haweenka Waddankaas aysan kaligood safri karin wax ka badan laba iyo todobaatan kiiloo mitir, haddii kalena ay qasabtahay in uu la socdo qof Rag ah oo mas’uul ka ah.

Go’aankan cusub ayaa soo laabtay laba iyo labaatan sano kaddib markii daalibaan laga tuuray talada waddankaas.

Markii ay qabsadeen Waddanka Afghanistaan dhamaadkii qarnigii tagay ayey dhaqangeliyeen go’aannada iyaga oo dhaqan gal ahaa ilaa ay ka dhacaan.

error: Copy lama Ogola Fadlan
Exit mobile version