Himilo FM –Arday da’diisu tahay 10 jir ayaa wacay booliiska gobalka Indiana ee dalka Mareykanka si looga caawiyo layli waxbarasho oo loo diray. Wiilka yar ayaa la xiriiray qeybta xaaladaha deg degga ah ee booliiska isaga oo hadalkiisa ku bilaabay “ Waxaan galay maalin adag oo aad u xun.”
Antonia Bondy oo 23 jir ah oo ka jawaabtay taleefanka ayaa sameysay dadaal lagu oggaanayo xaaladda heysata 10 jirka oo tilmaamay inay u yaalaan layliyo fara badan oo laga doonayo inuu ka shaqeeyo.Waxa uu xusay in uu dhigto fasalka 5aad, taasi oo macnaheedu yahay in da’diisu tahay 10 ama 11 jir.
Bondy ayaa weydiisay wiilka yar maadada ugu adag ee uu la hardamayo, xisaabta ayuuna ku sheegay inay tahay midda ugu culus ee heysata gaar ahaan xisaabta jajabka.
Codka wadahadalka booliiska iyo ardayga oo la duubay ayaa muujinaya wiilka oo haweenayda booliiska weydiinaya su’aal xisaabta jajabka ku saabsan. Waxaana mar danbe suura gashay inay ka caawiso.
Wargeyska Times ayaa qoray in booliiska isku dayay in wiilka loo sheego in taleefanka 911 uusan u soo wicin wax aan aheyn xaaladaha deg degga ah laakiin markii magaciisa la weydiiyay, waa uu jaray wicitaanka.
order cialis online What drug is similar to tamoxifen
priligy pill Six things to avoid after tattoo removal for a speedy recovery