Home / Sooyaal

Sooyaal

Sooyaalka Raadiyaha Himilo (Background of the Radio)

Radio Himilo waa warbaahin madax-bannaan oo aan faa’iido doon ahayn, waa Idaacad bulsheed oo aqoonyahanno caan ah ay ka hirgaliyeen Magaalada Muqdisho bishii December 2014-kii.  Danta aqoonyahanadda waxa ay ahayd tahayna horumarinta adeegga warbaahineed iyo in la buuxiyo ilihii kaabayaasha Saxaafadda ee ku burburay dagaalladii sokeeye.

Nooleynta qiyamka ummadda, caqiidadooda Islaamiga  ah iyo sugitaanka dhexdhexaadnimada waa tiirarka aas-aasiga ah ee ay Himilo ku guuleysatay.

Hiraal (Vision )

Hiraalkayagu waxa uu yahay helidda bulsho si siman uga waraabta isha cadaaladda, warbaahintuna ay danta guud ka horumariso midda gaarka ah ayadoo hal-abuurkana la kobcinayo. Himilo waxay ka qeyb-qaadanaysaa sidii loo heli lahaa bulsho xasiloon oo barwaaqeysan – iyada oo taas usii maraysa soo gudbinta macluumaad la isku haleyn karo.

Hawl-gal (Mission)

Hawl-galkayaga waxa saldhig u ah soo gudbinta xogo ilahooda la isku haleyn karo iyo madadaalo ujeedkeedu yahay xoojinta afka iyo dhaqanka Soomaaliga.

  • Soo saarista barnaamijyo codkooda sare u qaadaya dadka aan codka laheyn si baahiyahooda loo maqlo.
  • Xoojinta aragtida dhalliisha toosan iyo dhinaca togan ee is-beddelka bulshada.
  • Awood siinta kaabayaasha bulshada sida caafimaadka, dhaqan-dhaqaalaha, iyo tacliinta.
  • Ka qeyb-qaadashada dhab-u-heshiisiinta iyo dhisidda nabadda.

Qiyamkeenna Mudnaanta leh (Our Core values)

  • Samaan-fal                        (Excellence)
  • Isla xisaabtan.                  (Accountability)
  • Dhexdhexaadnimo          (Neutrality)
  • Dan-wadaag.                      (Partnership)
  • Qaddarin                             (Respect)
  • Hal-curis                              (Innovation
  • Hal-adeeg bulsho               (Servant attitude)

Ujeeddooyinkeenna (Our Objectives)

  • In aan kor u qaadno is-dhexgalka iyo wada-hadalka bulshada – iyada oo la wadaagayo xogaha, aragtiyaha tusaaleysan iyo humaagga qayaxan.
  • In aan fagaare ku bidhaamino si cilmiyeysanna ugu qaadaa-dhigno xaaladaha gudaha iyo dibadda kuwooda raadka ku leh samaha nabadda, cadaaladda – degaan ahaan, bulsho ahaan iyo dhaqaale ahaan; xuquuqda insaanka, dimuqraadiyadda, Dhaqan-wadaagista iyo xorriyadda hadalka.
  • Baahinta macluumaad bisil, warar iyo barnaamijyo horumarineed.
  • Awood-siinta bulshada.
  • Dhiirri-gelinta iyo horumarinta danta guud, tacliinta, cadaaladda, dhaqanka iyo madadaalada.

Barnaamijyada Himilo (Himilo Programs)

  • Warar sugan oo maalinle ah kuna jadwalaysan 10 saacadood.
  • Barnaamijka Wax-barashada.
  • Barnaamijka Caafimaadka.
  • Barnaamijka Dhallaanka.
  • Barnaamijka Wacyi-gelinta Da’yarta ee badqabka guud.
  • Barnaamijka diiniga.
  • Doorka haweenka ee ku aadan siyaasadda, bulshada iyo horumarinta dhaqaalaha.
  • Nabadda iyo xuquuqda insaanka.
  • Suugaanta Soomaaliyeed sida; gabayada, heesaha, maadda, iyo riwaayadaha masrixiyadda.
error: Copy lama Ogola Fadlan