Home / Arrimaha Bulshada / QM: In ka badan hal milyan oo Suuriyaan ah oo guryahooda ku laabtay.

QM: In ka badan hal milyan oo Suuriyaan ah oo guryahooda ku laabtay.

Himilo-In ka badan hal milyan oo qof ayaa ku laabtay guryahooda gudaha Suuriya kadib markii Bashar Al-Assad xilka laga tuuray bishii Diseembar 8-deedii, sida ay sheegay Qaramada Midoobay.

Tiradaas waxaa ka mid ah 800,000 oo qof oo gudaha dalka ku barakacay iyo 280,000 oo qaxooti ah oo dib uga soo laabtay dalal shisheeye.

“Tan iyo markii uu xukunka ka dhacay Asad, waxaan qiyaasnay in 280,000 oo qaxooti Suuriyaan ah iyo in ka badan 800,000 oo barakacayaal gudaha ah ay ku laabteen guryahooda,” ayuu  yiri Filippo Grandi, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxootiga ee Qaramada Midoobay (UNHCR),

“Dedaallada soo kabashada hore waa in ay noqdaan kuwo xooggan oo dagdag ah, haddii kale dadka mar kale ayay bixi doonaan: arrintan waa mid degdeg ah!” ayuu raaciyey.

Bishii Janaayo, guddoomiyaha Qaramada Midoobay ee qaxootiga wuxuu ku booriyey beesha caalamka in ay taageerto dadaallada dib u dhiska Suuriya si ay ugu sahlanaato in malaayiin qaxooti ah ay dib ugu soo laabtaan.

“Cunaqabataynta ha la qaado, fursadna ha loo furo dib u dhiska. Haddii aanan hadda bilaabin marxaladda kala-guurka, waqti badan ayaa naga lumi doona,” ayuu Grandi ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Ankara, kaddib socdaal uu ku tegay Lubnaan iyo Suuriya.

bartamihii Febraayo, ilaa 20 waddan oo ay ka mid yihiin dalalka Carabta, Turkiye, Britain, Faransiiska, Jarmalka, Kanada, iyo Japan ayaa heshiis ku gaaray shir ka dhacay Paris “ in si wadajir ah uga shaqeeyaan guusha kala-guurka uu hoggaaminayo shacabka Suuriya.”

Bayaan laga soo saaray shirkaas ayaa sidoo kale ballan qaaday taageero loo fidinayo maamulka cusub ee Suuriya si loola dagaallamo “nooc kasta oo dhibaato ah”

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan