Home / Arrimaha Bulshada / Daraasad: 25% dawooyinka Afrika laga isticmaalo waa been abuur, waxayna sababeen dhimashada 500,000 oo qof

Daraasad: 25% dawooyinka Afrika laga isticmaalo waa been abuur, waxayna sababeen dhimashada 500,000 oo qof

Himilo – Cilmi-baaris muhiim ah ayaa soo jeedinaysa in ilaa 25% daawooyinka Afrika laga isticmaalo inay yihiin kuwo been-abuur ah ama tayo xun leh, taasoo keenaysa walaac ku saabsan inay sabab u tahay dhimashada bukaanno tiro badan.

Cilmi-baarayaal ka socda Jaamacadda Bahir Dar ee Itoobiya ayaa baaray 27 dawo oo lagu daray qiimeyntooda, waxayna ogaadeen in 1,639 ka mid ah 7,508 nuuc yada dawooyinka ay yihiin kuwo tayo xun ama been-abuur ah kadib markii daawooyinkaas ay ku fashilmeen ugu yaraan hal tijaabo oo tayadooda ah.

Claudia Martínez, madaxa cilmi-baarista ee hay’adda Access to Medicine Foundation oo ku taalla Amsterdam, ayaa sheegtay in natiijooyinka ay si weyn u khatar gelinayaan caafimaadka bulshada.

Tirada dadka u geeriyooday daawooyinka dhacay iyo kuwa tayada xun dalalka Saxarada ka hooseeya sanakii waxay ay gaareysaa 500,000 oo dhimasho ah sida lagu sheegay qiyaasihii ay soo saartay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Daroogada iyo Dembiyada sanadkii hore.

“Haddii bukaannadu helaan daawooyin tayo xun leh ama gabi ahaanba been-abuur ah, waxay keeni kartaa dhimasho baahsan,” ayay Martinez tiri.

Daawooyinka been-abuurka ah waa daawooyinka si ula kac ah u been-abuuraya aqoonsigooda, qaab-dhismeedkooda, ama ilaha ay ka yimaadeen.

Halka daawooyinka tayada xun leh ay yihiin kuwo la ongolyahay laakiin aan buuxin shuruudaha tayada.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan