Home / Arrimaha Bulshada / Ethiopia oo faaido badan ka samayse dhoofinta Coffee-ga

Ethiopia oo faaido badan ka samayse dhoofinta Coffee-ga

Himilo- Dhoofinta Coffee-ka Ethiopia waxay ka macaashtay 835 million oo doller sagaalkii bil ee aan ka soo godobnay.

Dalkan dhaca bariga Africa waxa uu u dhoofiye suuqyada caalam-ka 174,590 tons oo coffee ah sida laga soo xigtay gudiga maamulka beeraha coffee-ga.

Xukuumadda Ethiopia waxay awood u yeelatay inay abuurto suuqyo cusub oo loo iibgeeyo Coffee-ga oo kuyaal qaaradaha caalam-ka.

Suuqyada ugu weyn ee coffee-ga Ethiopia waxaa kamid ah Chine, UAE iyo Sudan halka Sacuudi Carabiya, South Korea iyo Mareykan-ka ay kamid yihiin meelaha lageeyo.

Ethiopia waa mid kamid ah dalalka soo saara Coffe-ga ugu badan ee Caalam-ka

Sanadkii 2022/23 dowlad Ethiopia waxay kafaaiday 1.3 billion oo doller dhoofinta Coffee-ga

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan