Himilo- Warbixin dhawaan ka soo baxday, Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO) ayaa lagu sheegay in ku dhawaad 30,000 oo kiis oo xanuunka mpox laga diiwaan galiye Afrika tan iyo bilowgii sannadkan.
Sida ay sheegtay hay’adda caafimaadka ee Qaramada Midoobay, dadka ugu badan ee xanuunka uu saameeye waxay ku noolyihiin Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo dalka dariska la ah ee Burundi.
Warbixintu waxay warisay dhimashada uu sababay xanuunkan inay gaartay 800 oo case- warbixinto waxay ku soo aaday iyadoo agaasimaha guud ee WHO oo ku dhawaaqay in cudurku uu noqday xaalada caafimaad oo degdeg ah caalamka oo dhan, taas oo ah heerka ugu sarreeya ee digniinta WHO.
Meelo kabaxsan Africa ayaa laga soo wariye case- MPOX ah. Fayraska keena cudurkan waxaa markii hore horeyse la ogaaday tobanaan sanno ka hor balse dhowrkii sano ee ugu dambeye ayuu cudurkan si fudud ugu faafay dadka dhaxdooda.
Talaal dawo u ah fayruska ayaa lafilayaa in uu ka bilowday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo bilowga bisha October.