Home / Caafimaad / Hoos u Dhaca weyn oo ku yimid Keynta Amazon

Hoos u Dhaca weyn oo ku yimid Keynta Amazon

Himilo-Dhirta keymaha Amazon ayaa hoos u dhacday 30.6% marka la barbardhigo sanadkii hore, sida ay masuuliyiintu sheegeen, taas oo ka dhigtay heerka ugu hooseeya ee burburka keynta mudo sagaal sano ah.

Muddo 12-bilood ah, keymaha Amazon ayaa lumiyey 6,288 –km dhirtii ku taalay. Natiijadan ayaa ka dhalatay kadib markii dalka Brazil uu xoogga saaray beeraha halkii ay aheyd in la ilaaliyo dhirta keynta ku taal.

Dhanka kale keynta ku taal Cerrado ee dalka Brazil ayaa hoos u dhacday 25.7%, taasoo ah markii ugu horreysay ee hoos u dhac laga dareemo mudo shan sanno ah, dhulka ay keynto ka guurtay waxa uu gaarayaa 8,174-km2.

Inkastoo guulo laga gaaray xakameynta burburka ku socda keynta Amazon, hadana dowlada Madaxweyne Lula ayaa dhaleeceyn kala kulantay kooxaha deegaanka, iyagoo ku eedeynaya inay taageerayaan mashaariic wax u dhimaya deegaan-ka, sida dhismaha jid weyn oo la duunayo in ladhaxmarsiiyo Amazon iyo mashruux kale oo shidaal looga baarayo webiga Amazon.

Waxyaabaha kale ee dhirta Amazon baabi’iye waxaa kamid ah dab xooggan oo ka dhashay jiilaalka daran ee halkaa ka jira.

Masuuliyiinta dowladda waxay ka cabsi qabaan in heerka burburka uu kordho sanadka soo socda iyadoo magaalada Belem ee Amazon ay isu diyaarineyso martigelinta shirarka cimilada ee sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay, oo loo yaqaan COP30.

Keynta Amazon dhulka ay ku fadhiso waxa ay labo jeer ka weyn tahay dalka Hindiya, halka sadax meelood labo meel ay ku taallo dalka Brazil.

Amazon Waxay keydisaa xaddi badan oo Carbon dioxide oo ah hawada wasaqeysan ee sababa isbedelka cimilada.

Amazon-ka ayaa sidaas darteed ka hortagta in cimilada adduunka ay kululaato.

Biyo mareenka Amazon wuxuu sidoo kale ka kooban yahay qiyaastii 20% biyaha nadiifka ah ee caalamka, waxaana ku yaal ilaa 16,000 nooc oo geed oo la yaqaano.

 

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan