Home / Arrimaha Bulshada / Maqaal: Isbarbardhigga Nadaafadda iyo Horumarka Dalalka Rwanda iyo Soomaaliya.

Maqaal: Isbarbardhigga Nadaafadda iyo Horumarka Dalalka Rwanda iyo Soomaaliya.

Himilo-Nadaafadda iyo horumarka waa labo arrimood oo si dhow isugu xiran. Dal walba oo horumar gaara, nadaafaddiisa ayaa qeyb weyn ka qaadata. Soomaaliya iyo Rwanda waa labo dal oo ka soo kabanayay burbur siyaasadeed iyo dagaallo, hase yeeshee, Rwanda waxay caan ku noqotay nadaafad iyo horumar heer sare ah. Warbixintan, waxaan si qoto dheer ugu falanqeyn doonaa isbarbardhigga nadaafadda labada dal, anigoo Rwanda tegey oo si toos ah u arkay horumarka iyo nadaafadda ka jirta.

Diinta Islaamka iyo Nadaafadda Diinta Islaamka waxay aad u dhiirrigelisaa nadaafadda. Xadiiska Nebiga (NNKH) ayaa oranaya: “Nadaafaddu waa qeyb ka mid ah iimaanka.” Islaamku wuxuu farayaa in la ilaaliyo nadaafadda jirka, guriga, deegaanka, iyo waddooyinka. Hase yeeshee, inkastoo Soomaaliya ay tahay dal Muslim ah, haddana nadaafadda guud ee waddooyinka iyo magaalooyinka weli wey liidataa. Taa beddelkeeda, Rwanda, oo ah dal aan Muslim badan lahayn, waxay noqotay dalkii ugu nadaafadda fiicnaa Afrika, taasoo muujinaysa in nadaafadda aysan ahayn kaliya arrin diini ah, balse ay u baahan tahay dadaal dowladeed iyo wacyigelin bulsho.

Markii aan Rwanda booqday, waxa iiga muuqday farqiga weyn ee u dhaxeeya nadaafadda Rwanda iyo Soomaaliya. Magaalooyinka Rwanda, gaar ahaan caasimadda Kigali, aad ayay nadiif u tahay. Dowladda Rwanda waxay hirgelisay sharciyo adag oo la xiriira nadaafadda, sida mamnuucida bacaha Plastiga ah iyo olole nadaafadeed oo bulshadu si joogto ah u sameyso bishii mar, loona yaqaan “Umuganda.” Sidoo kale, waddooyinka waxaa la nadiifiyaa maalin kasta, qashinkana si nidaamsan loo guraa.

Dhinaca kale, Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho, qashinka ayaa meel kasta daadsan. Waxaa adag in la helo nidaam rasmi ah oo lagu maareeyo qashinka, taasoo keentay in uu ku faafayo meelaha ganacsiga iyo xaafadaha. Xilliyada roobka, biyaha iyo qashinka ayaa sababa cudurro faafa. Intaa waxaa dheer, waxaa jira wacyigelin la’aan dhanka nadaafadda iyo nidaam-darro ka jirta laamaha qaabilsan maareynta bilicda magaalooyinka.

Horumarka Rwanda waa mid cajiib ah. Dalka wuxuu ka soo kabanayay xasuuqii 1994, balse maanta wuxuu ka mid yahay dalalka ugu dhaqaalaha wanaagsan Afrika. Waxaa muuqda horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha sida waddooyinka, gaadiidka dadweynaha, adeegyada caafimaadka, waxbarashada, iyo nabadgelyada. Dowladda Rwanda waxay hirgelisay nidaam dowladnimo oo shaqeynaya, taasoo horseeday horumar dhan walba ah.

Dhanka Soomaaliya, inkastoo ay jirto dadaal horumarineed, haddana waddanku weli wuxuu la daalaa dhacayaa caqabado badan sida amni-darro, musuqmaasuq, iyo nidaam dowladeed oo aan wali si buuxda u shaqeynin. Waxaa jira dadaallo ay dowladda iyo shacabka sameynayaan, sida dib u dhiska waddooyinka iyo kobcinta dhaqaalaha, laakiin wali waxaa loo baahan yahay qorshe cad oo la mid ah kan Rwanda si horumar muuqda loo gaaro.

Maxaa Soomaaliya ka Baran Karta Rwanda?

  1. Sharciyo iyo Maamul Nadaafadeed: Rwanda waxay leedahay sharciyo adag oo lagu ilaalinayo nadaafadda. Soomaaliya waxay ka faa’iideysan kartaa inay dejiso sharciyo mamnuucaya qashin qubka aan nidaamsaneyn.
  2. Olole Nadaafadeed (Umuganda): Rwanda bisha march, dadweynuhu waxay si iskood ah u sameeyaan olole nadaafadeed. Soomaaliya waxay hirgelin kartaa nidaam la mid ah si ay bulshadu uga qeyb qaadato nadaafadda.
  3. Nidaam Dowladeed oo Shaqeeya: Rwanda waxay ka adkaatay musuqmaasuqa oo waxay sameysay dowlad karti leh. Soomaaliya waxay ka baran kartaa sidii loo hirgelin lahaa hufnaan iyo isla xisaabtan.
  4. Dhiirrigelinta Wacyigelinta: Nadaafadda Rwanda waa mid la baro carruurta dugsiyada, warbaahintana si joogto ah looga hadlo. Soomaaliya waa inay sameyso wacyigelin ballaaran oo bulshadu ku fahmi karto muhiimadda nadaafadda.

Gabagabo Isbarbardhigga Rwanda iyo Soomaaliya wuxuu muujinayaa in horumarka iyo nadaafadda aysan kaliya ku xirneyn in dal Muslim yahay ama aan ahayn, balse ay ku xiran tahay nidaamka dowladeed, wacyigelinta bulshada, iyo dadaalka muwaadiniinta. Rwanda waxay tusaale fiican u tahay dal soo kabtay oo horumar gaaray. Haddii Soomaaliya qaadato casharro ka yimid Rwanda, waxay yeelan kartaa magaalooyin nadiif ah, nidaam dowladeed oo shaqeeya, iyo bulsho wacyi sare leh.

Waa waajib saaran qof walba inuu doorkiisa ka qaato nadaafadda iyo horumarka dalka.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan