Himilo-Dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digay in 4.4 milyan oo qof ay wajahaan macaluul marka la gaaro Abriil 2025, sababo la xiriira abaar sii xumaaneysa, colaado, iyo sicir-bararka cuntada.
Guddoomiyaha SoDMA, Mohamuud Moallim, ayaa sheegay in abaartu halis weyn ku tahay bulshooyinka dhibaateysan, loona baahan yahay tallaabo degdeg ah si loo badbaadiyo nolosha dadka. Waxa uu xusay in dhibaatooyinku ay isbiirsadeen, maadaama abaarta ay la socdaan colaado iyo hoos u dhac weyn oo ku yimid maalgelinta gargaarka.
Hay’adaha SoDMA, FAO, OCHA, UNICEF, iyo WFP ayaa ka walaacsan in tirada dadka ay gaarto 4.4 milyan inta u dhexeysa Abriil iyo Juun 2025, iyadoo roobab hooseeya la filayo.
Yaraanta dhaqaale ee gargaarka bani’aadantinimo ayaa sababtay in la yareeyo ama la joojiyo barnaamijyo badbaadiya nolol, taasoo sii xumeyn karta xaaladda. Soomaaliya waxay u baahan tahay $1.42 bilyan si wax looga qabto dhibaatooyinka, balse illaa hadda kaliya 12.4% ayaa la helay.
Qiimeynta IPC waxay muujisay in 3.4 milyan oo qof ay horey u wajahayaan gaajo heer xun, iyadoo dalka uu halis ugu jiro xaalad macaluul oo la mid ah tii 2022, taasoo ay ku dhinteen kumannaan qof, badankoodna ay ahaayeen carruur.