Himilo FM –Waxaa laga yaabaa inay aragtida hore ku qaadaan jaceyl laakiin marnaba ma gali doonaan guur uusan waalidkooda raali ka aheyn.
Munaasabada maalinta jaceylka awadeed, waxay qorsheynayaan 10 kun oo dhallinyaro Hindi ah inay u dhaartaan in aysan guursan doonin iyaga oo aan rukhsad ama fasax ka heysan waalidkood xitaa haddii tani keenayso inay soo gabagabeeyaan xiriirkooda jaceylka.
Hasyamev Jayate oo ah mutadawic katirsan hay’ad dhallinyaro ayaa qaban qaabinaya dhacdada ay ku dhaaranayaan dhallinyarada isaga oo tagay 12 dugsi oo ku yaalla dalkaasi halkaasi oo dhallinyaro leh wiil iyo gabdho uu ka dhaadhiciyay inay sameeyaan ballan qaad ah inaysan gali doonin guur uusan waalidkooda raali ka aheyn.
“ Maalmahan dhallinyaro badan ayaa ka carreysiisa waalidiintooda, xitaa qaarkood waxay ka cararaan guriga, wayna guursadaan hase ahaatee noloshaasi waxay noqotaa ku-meel-gaar ,” ayuu yiri Sanskar Bharti oo ah arday mutadawic ah oo katirsan dhallinyarada ururka.
Waxa uu intaa raaciyay ‘ Waxaan u marayaa dhaartan waalideynteyda dartood, waxaan rabnaa inaan dhiira gelino ahmiyadda waalidiinta.’
Dhacdada waxaa la qorsheynayaa in lagu qabto ku dhawaad 15 dugsi oo ku yaalla guud ahaan Hindiya halkaasi oo ardayda lagu siinayo casharro ku saabsan ahmiyadda labada waalid.
Waxaa kamid ah dugsiyada lagu qaban doono Sanskar Bharti, Presidency High School , Sanskar Kunj Gyanpith, Swaminarayan MV Vidyalaya, Sun Grace Vidyalaya, Navchetna Vidyalaya iyo Gyan Ganga Vidyalaya.