Home / Arrimaha Bulshada / 10 Milyan oo baqtiyaa nasiib ah ayuu ku guuleystay balse maanta waa ka sabool!

10 Milyan oo baqtiyaa nasiib ah ayuu ku guuleystay balse maanta waa ka sabool!

Himilo FM – Waxaa la yiraahdaa wixii si fudud kugu soo gala, si fudud bay kaaga baxaan. Tani waa sheekada Micheal Corol oo ahaa qof ka shaqeeya uruurinta qashinka hase ahaatee ku guuleystay baqtiyaa nasiib dhan 12 Milyan oo doolar sannadkii 2002-dii.

Dhacdadaasi kaddib, way isbadashay nolosha Micheal balse hadda waxa uu ka shaqeeyaa oo uu iibiyaa dhuxusha isaga oo jara geedaha islamarkaana ka hela 12 doolar saacaddii.

“Hadda waxaan heystaa 50 kg oo dhuxul ah, waxaan jaraa dhirta,” ayuu u sheegay Micheal wargeyska The Sun.

Waxa uu intaa ku daray in 10 Milyan oo doolar oo kamid ah lacagtii baqtiyaa nasiibka inuu ku kharash gareeyay muddo 10 sanno gudaheed isaga oo aan maanta heysan guri iyo gaari midna.

“Wixii si fudud kugu soo gala, si fudud ayay kaaga baxaan,” ayuu yiri Micheal.

Mr Micheal waxa uu ka shaqeeyaa Scotland lix saacadood maalin kasta. Waxay la tahay in hantida oo la waayo tahay nimco qarsoon sida uu hadalka u dhigay.

About Mahad Mohamed

error: Copy lama Ogola Fadlan