Home / Arrimaha Bulshada / 101 jir ka badbaaday hergabkii safmarka ahaa ee Spain oo ka soo kabtay COVID-19

101 jir ka badbaaday hergabkii safmarka ahaa ee Spain oo ka soo kabtay COVID-19

Himilo – 101 jir u dhashay Talyaaniga oo ka badbaaday hergabkii safmarka ahaa ee Spain sannadkii ayaa ka soo kabtay caabuqa dilaaga ah ee Corona.

Ninka oo lagu soo koobay magaciisa Mr. P ayaa ku dhashay magaalada Rimini oo dhacda xeebta waqooyi galbeed ee badda Adriatic isaga oo ku soo koray labadii dagaal ee dunida soo martay.

Toddobaadkii la soo dhaafay, Mr. P ayaa la dhigay isbitaal kaddib markii laga helay caabuqa COVID-19. Ma aheyn markii ugu horreysay oo Mr. P uu la xannuunsaday cudur safmar ah.

Waxa uu ka badbaaday hergabkii safmarka ahaa ee Spain ee sannadkii 1918-kii kaasi oo galaaftay nolosha 600,000 qofood oo Talyaani ah.

Sida laga soo xigtay Gloria Lisi oo ah ku-xigeenka duqa magaalada Rimini, kooxda caafimaadka ma aysan qabin rajo badan oo ku saabsan in uu soo kabto bukaanka maadaama dadka da’da ah ee ka weyn 65-ka sanno u nugul yihiin xannuunka.

Sida ay qortay warbaahinta Talyaaniga, Mr. P ayaa laga saaray isbitaalka markii uu ka kacay xannuunka safmarka ah ee dunida ku sii baahaya.

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan