Home / Macluumaad / 11-jir lacag ka sameeya wacyi-gelinta dadka waaweyn

11-jir lacag ka sameeya wacyi-gelinta dadka waaweyn

New York (Radiohimilo) – Wiil da’yar ayaa ruxay fadhiyada baraha bulshada ee dalka Maraykanka kadib markii uu anba-qaaday ganacsi ah – wacyi-gelin iyo waano siinta dadka da’da ah.

Wiilkan 11-jirka ah ayaa xafiiskiisa gaarka ah wuxuu ka kooban yahay laba kursi iyo miis ay ku qoran tahay ’emotional advice’ ama waano qiiro leh kaas oo ku dhow rug sal-dhig tareen ah.

Ciro Ortiz, oo lagu yaqaan emotional advice, wuxuu kal-fadhi walba oo uu la fariisto qofka doonaya waanadiisa ka qaadaa 2 doolar – halkii kal-fadhiba waa shan daqiiqo. Badi dadka uu waanada siiyo waa kuwo soo qaabila inta ay sugayaan tareenka ay raaci rabaan.

Wiilku wuxuu sagaalkii axad ee ugu danbeysay kal-fadhiyadiisa uu ku bixiyay Brookleyn halkaas oo lacag ka badan 50 doolar uu ka sameeyey toddobaadkiiba.

Wuxuu sheegay inuu mihnadan bilaabay kadib markii lagu soo liiday oo lagu yasay hal-abuurnimadiisa gudaha dugsiga uu dhigto kadibna wuxuu tilmaamay inuu ku dhiirraday inuu lacagta uu sameeyo uu ku kaabo da’yar iskuulka la dhigata kuwaas oo waaya’aragnimadiisa oo kale ku sugan.

“In wax la’aantu kugu noqoto dhib kugu dahsoon xilli aad da’yar u tahay is-baddalka noloshada, waa iska caadi; hayeeshe waxaa kasii laxaw badan inuu laguugu takooro,” ayuu yiri Ciro Ortiz.

Ortiz wuxuu sheegay inay mar lamaane ugu yimaadeen talo-bixin. Seyga ayuu tilmaamay inuu ka cabanayay xaaskiisa oo noqotay mid kaliya ku qanacsan cunista cunnooyinka ay qudaartu ku badan tahay – isaguna uusan la dhacsaneyn.

Ortiz wuxuu yiri: “Waxaan ku tala-bixiyay inuusan xaaskiisa kula dhicin jeclaanshiyaha cunista cuntooyinka qudradeysan maadaama aysan iyaduba kaga xumeyn inuu jecel yahay cunista cunnooyinka hilibeysan.”

Safarka Ortiz oo ku go’aansaday inuu naftiisa ku maareeyo waqtiga da’yaraantan ayaa heshay bogaadin iyo amaan. Isaga oo lagu tilmaamay qof waaya’ragnimadiisa 10-sano jirta ah ku awooday inuu wax kaga badalo dad isaga ka da’weyn.

 

 

 

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan