Horyaalka Dalka Ingiriiska ayaa xilli ciyaareedkan wajahay ceyrintii ugu badneyd ee lagu sameeyo kooxaha ka ciyaara horyaalkaas tan iyo markii la sameeyay sanadkii 1992/3dii.
Sanadkan oo ka soo billowdya Bishii August ee 2022,waxaa ay Kooxaha Premier league ceyriyeen 12; ka mid ah 20; ka Tababare ee leyliyaha Kooxaha Ingiriiska.
August
Scott Parker ; ayaa Kooxda Bournemouth, ka soo saaray heerka 2aad, hayeeshee markii ay Liverpool aga badisay 9-0 ayaa la ceyriyay.
September
guul darro naxdin lahayd oo Champions League ka soo gaartay Chelsea kaddib markii ay ka badisay Dinamo Zagreb ayaa sababtay in la ceyriyo Thomas Tuchel,waxaana lagu beddelay Graham Potter.
October
Wolves ayaa iska ceyrisay Bruno Lage, halka Steven Gerrard iska ceyrisay Aston Villa.
November
Southampton, ayaa ceyrisay Ralph Hasenhuttl waxa ayna ku beddeshay Nathan Jones.
January
Everton, oo ka carareysa heerka 2aad ayaa ceyrisay Frank Lampard .
February
Leeds ayaa ceyrisay Jesse Marsch, hal todobaad kaddib Jones ayaa laga ceyriyay Southamton.
March
Crystal Palace, ayaa ceyrisay Patrick Vieira , halka Tottenham ceyrisay Antonio Conte .
April
Leicester City ayaa ceyrisay Rodgers , halka ay Chelsea ceyrisay Graham Potter.