Home / Arrimaha Bulshada / 14 October maalin xasuus ku leh shacabka Soomaaliyeed.

14 October maalin xasuus ku leh shacabka Soomaaliyeed.

aari xamuul ah oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa ku qarxay Isgoyska mashquulka badan ee Soobe ee magaalada Muqdisho, 14kii bishii October sanadkii 2017.

Qaraxaas, oo noqday kii ugu dhimashada badnaa ee abid ka dhaca Afrika, ayaa waxaa ku nafwaayay dad ku dhow 600 oo qof, halka 1000 qof ku dhawaadna wey ku dhaawacmeen.

Xusuusta xasuuqaasi ka dhacay Isgyska Zobe weli kama guurin maskaxda Soomaalida iyo dunidaba.

Goobtii uu ka dhacay Qaraxa waxaa ku yaalla taalo xusuuseed loogu magac daray 14-ka October. todobo sanno kadib dadka soomaaliyeed ayaa su’aalo iska weydiinaya sababta uu xasuuqaas u dhacay iyo cida masuuliyada leh.

marka aad tagto halkii dhibaatadu ka dhacday waxa kaliya ee kuu muuqanaya waa taallo yar oo muujineysa taariiqda ay goobtaasi waxkadhaceen, tii oo taaladii lafteeda ay qeyb maqantahay oo ay burburtay, majirto astaan kale oo cadeyneysa dhibka meesha ka dhacay iyo xadiga uu la’ ekaa.

guri walba oo Soomaaliyeed dhibaatadii halkan ka dhacday si toos ah ama si dadban ayay u saameyse wilina ehelada qaar ayaan dadkoodii rag iyo ruux helin.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan