15 jir baaskiil ku jartay 1200 km si Aabbaha dhalay oo xannuunsan ay ugu celiso hoygiisa

Himilo – Gabar Hindi ah ayaa jartay boqolaal kiilo Mitir iyada oo adeegsaneysa baaskiil si Aabbaheed oo xannuunsan ay dib ugu celiso hoygiisa. Waxaa lagu tilmaamay safar halyeynimo ah oo ay ku badbaadineysay waalidkeed xilli ay taagan tahay xannibaada xannuunka safmarka ah ee Karoona.

Aabbaha dhalay Jyoti Kumari ayaa ku dhaawacmay shil gaadiid. Markii la daweeyay kaddib ayay gabadha 15 jirka ah iibsatay baaskiil ku kacaya 20 doolar si ay ugu celiso gurigooda, warbaahinta CNN-ka ayaa qortay.

Sheekada gabadha ayaa si weyn u shaac baxday iyada oo kamid noqotay dadka lagu hadal-hayo baraha bulshada. Waxay ammaan iyo boggaadin kala kulantay gabadha uu dhalay madaxweynaha Mareykanka.

Mohan Baswan ayaa ku dhaawacmay shil gaadiid bishii Janaayo ee tagtay. Waxa uu degganaa gobal 700 Mile ka fog hoygiisa.  

Shilka kaddib, Mr Moham waxa uu u baahday daryeel caafimaad oo loo fidiyay laakiin nasiib xummo ma uusan woodin in uu guriga ku soo laabto.  Sidaa darteed, gabadhiisa dhiirran ayaa u jartay masaafo dhan 1200 km si ay dib ugu soo celiso hoyga.

Tallaabooyinka xannibaada ee ku saabsan xannuunka safmarka ah ee Karoona ayaa kala jaray xiriirka dad badan.

Hot this week

Ogow 10 xiddig oo soo maray academy-ga Man Utd oo wanagsanaaday markii ay ka tageen Old Trafford

Himilo – Manchester United waa mid ka mid ah...

What direction to go When You Obtain a Mail Order Bride?

You may have under no circumstances heard of...

Ciidamada Iiraan oo ballanqaaday difaaca danaha qaranka, kaddib taageerada Mareykanka ee dibadbaxayaasha

Himilo - Ciidamada Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan ayaa...

Muxuu u jareynayaa qofka marka uu baqo?

Himilo - Natiijadda daraasad cilmiyeed oo ay sameeyeen baarayaal katirsan...

Mareykanka oo hakiyay gargaarkii uu siin jiray Soomaaliya kaddib eedeyn la xiriirta dhaca gargaar cunto

Himilo - Dowladda Mareykanka ayaa hakisay dhammaan gargaarkii ay...

Related Articles

Popular Categories

error: Copy lama Ogola Fadlan