Home / Arrimaha Bulshada / 15-May maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed

15-May maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed

Himilo – Maanta oo kale Waxaa dalka Soomaaliya laga xusaa maalinta dhalinyarada Soomaaliyeed ,kuna beegan aas aaskii Ururkii dhaliyarada SYL, iyadoona munaasabado lagu weyneynaayo lagu qabto qeybaha kala duwan ee dalka .
Maalintani ayaa waxa lagu xasuustaa dadaalkii iyo doorkii ay dhalinyaradu ka ciyaareen halgankii loo soo galay xorriyadda dalka intii u dhaxaysay kontameeyadii ilaa lixdankii.
Dhalinyaradu waa laf dhabarta bulshada, xilliga dhalinyaranimaduna waa marka ugu haboon ee qofka looga faa’iideysto maskax ahaan iyo mururq ahaan, horumarka dalkastana waxa uu ku xiranyahay sida loo horumariyo aqoonta iyo wacyiga dhalinyarada.
Sanadkii 1943 ayeey aheyd markii dhalinyaro Soomaaliyeed ay dareemeen dhibaatooyinka gumeysiga kadibna ay si geesinimo leh ugu dhawaaqeen ururkii SYL, iyagoo adeegsanayay tab iyo xeelad kasta oo la isaga dulqaadayay heeryada gumeysigii reer Yururb.
Magaca ururka oo ah (SYL) waxay u taagan tahay erayada af Ingiriiska ah ee “Somali Youth League”.
Fikrad kasta oo keenta horumar waxaa bilaaba qof ama koox, Fikradda lagu as’aasay xisbiga SYL waxaa hormuud iyo hawlwadeen ka ahaa dhalinyaro Soomaaliyeed oo mudan in si gaar ah loo xuso, kuwaas oo aad u fiira dheeraa islamarkaana lahaa dareen wadiniyadeed oo ku qutoma Soomaalinimo.
Dhalinyaradaasi ayaa aas’aastay ururkii SYL sanadkii 1943-dii kadib markii ay ka dhiidhiyeen hagardaamooyinka gumeysiga, waxeyna nasiib u yeesheen in halganki ururki SYL uu sabab u noqdo in dalkeena uu madaxbanaani buuxdo qaato 1960-kii.
Haddaba dhalinyarada wadaniyiinta ah ee aas’aasay ururka SYL waxey nooga tageen dhaxal aan duugoobin iyo taariikh aan marnaba ka tirmeyn quluubta ummadda Soomaaliyeed, waxeyna ku qoranyihiin diiwaanka lagu keydiyo taariikhda Soomaaliyeed baalashiisa dahabiga ah.
Dhalinyarada Soomaaliyeed ee xiligaan waxaa looga fadhiyaa iney ku daydaan dhalinyaradii aas’aastay ururka SYL kana soo horjestaan afkaaraha wax duminaya sida qabyaalada iyo kalac qaybinta bulshada , islamarkaana ay ku dadaalaan sidii dalkeena looga saari lahaa dhibaatada si ay taariiqda uga galaan baal dahab ah.
Sidoo kale waxaa habboon in dhalinyaradu aysan ku dhiirran tahriibta iyo ka qeyb qaadashada fal kasta oo liddi ku ah horumarka ummadda Soomaaliyeed, iyadoo ay xusid mudantahay in dowladda Federaalka looga baahan yahay kaalinteeda ku wajahan wacyigelinta iyo shaqo u abuurista dhalinyarada Soomaaliyeed ee tabaaleysan.

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan