Home / Arrimaha Bulshada / 16 June – Maalinta Caalamiga ee Qoysaska iyo Xawaaladaha

16 June – Maalinta Caalamiga ee Qoysaska iyo Xawaaladaha

Himilo – Sannad kasta 16 June marka la gaaro waxaa QM ay u aqoonsatay Maalinta Caalamiga ee Qoysaska iyo Xawaaladaha. Xuska maalintan ayaa lagu aqoonsadaa doorka iyo kaalinta caadyaalka ah ee xoogsatada ka xoojiya dalalka ka baxsan waddamada ay u dhasheen ay ku leeyihiin sare-u-dhigidda iyo horumarka xubnaha qoysaska ay ka dhasheen ee dalkii hooyo ku sugan.

Shaqaalaha ka xoojiya dalalka ka fursado iyo dhaqaale roon kuwii ay u dhasheen waxay kaalin lama huraan ah uga jiraan kobcinta iyo abuurista rejooyin iyo kaabado reeraha ay ka dhasheen ay uga gudbaan xeydaabka faqriga iyo makasnimada ama jahliga. Waxay sidoo kale qaabeeyaan mustaqbalka carruurta ay dhaleen kolkii haddii ay awoodi karaan inay usoo diraan lacago ay dugsiyada wax-barashada isaga bixiyaan.

Xawaaladuhu waxay gu’yaal badan dunida soo koraysa u ahaayeen ilo dhaqaale iyo hab sahlan oo qoysas badan ay ku kala war iyo wacaal qaataan. Way adag tahay in la suuraysto la’aanta doorka xawaaladuhu sida uu dalkeennu u ekaan lahaa. Waayo qarnigii tagay daba-yaaqadiisa iyo bilowga qarnigan 21aad, waxay safka hore uga jireen isku xirka iyo sahlidda adeegyada lacag isku diridda iyo fursad shaqo u abuuridda jiilal dhalinyaro ah oo dalka gudihiisa ay ku heysatay shaqo la’aan.

Halka ay saxaafadda iyo war isgaarsiintu dalka ugu jirtay kaalinta isku xirka iyo kala xog iyo war helidda – oo murtida Somaaliyeed ee war helaa talo hela ay ka turjumayeen – xawaaladuhuna waxay ku jireen ama isku taageen xoojinta habka dhaqan-dhaqaale ee bulshada waqti waliba aad loogu baahi badnaa madaama dalku uu galay dagaallo sokeeye – heykalkii dowladnimada ityo kaabayaashii ilaha dhaqaalahana ay meesha ka baxeen.

Ilaa iyo haddana waxay door muuqda ku leeyihiin qaabeeynta kobaca iyo tadawurka ganacsiga iyo dhaqaalaha waddanka.

In kasta oo xawaaladuhu ciyaareen kaalin lama huraan ah, waxaan caddeyn goorta ay Somaalidu ku tiirsanaanteeda xad-dhaaf ahi uu yaraan doono. Waxaase xaqiiqo in inta soo gurya-noqosho buuxda iyo nidaam dowladeed oo suuragliya in muwaadiniintu ay dalkooda kula negaadaan helidda iyo ku raaxaysiga fursadaha aas-aasiga u ah nolosha laga helayo ay xawaaladuhu noqon doonaan isku xirayaasha xubnaha qoysaska ee dunida dacalladeeda ku kala firdhaday.

Waana sababta maalinta oo kale in la aqoonsado abuurtay si loogu baraarugo kaalinta xoogsatada laajiyiinta ah ee dalalka horumaray u doontay fursado shaqo ay ku leeyihiin horumarinta nolosha reeraha iyo qoysaska ay ka dhasheen.

Faafitaanka xanuunka Covid-19 waxaa lagu aqoonsaday halganka 200 oo milyan oo soo-galootiga ahi ku leeyihiin 800 oo milyan oo xubnaha qoysaskooda isugu jira oo dalkii hooyo jooga kuwaas oo dheefta dhididkooda usoo mariya xawaaladaha.

Sannadkii tagay, in ka badan 550 bilyan oo doolar ayaa xawaaladaha loo soo mariyay qoysaska gudaha dalalka dunida soo koraysa jooga. Waxaana Bangiga Adduunku uu ka deyrinayaa hoos u dhac 10% ah oo ku imaan doonaa sannadkan kaas oo gaajo iyo wax-barasho la’aan iyo caafimaad darro ku keeni doona malaayiin qoysas ah si gaar ah haweenka iyo gabdhaha.

Cabsida iyo xayiraadda uu xanuunka Corona Virus waxay u eg tahay inuu saameyn aan la mahdin ku yeelanayo nolosha xubnaha qoysaska quutul-yow

About Himilo Radio

error: Copy lama Ogola Fadlan