Muqdisho – Majaladdan caanka ah ayaa sameysa sanad walba xulasho 100 ciyaaryahan ah oo ay kasoo xulato dunida dacalladeeda.
Sanadkii 2015-2016, waxaa kaalinta koobaad kusoo baxay Lional Messi hayeeshe waxaa sanadkan booska koobaad galay C. Ronaldo.
Garsoorayaal dunida laga keeno ayaa ku codeeya abaal-marintan. Majaladda the Guardian ayaana sanadkan xaqiijisay in ay codeeyeen 124 garsoore.
Garsoorayaasha ayaa loo diray liis dheer oo ah in ka badan 300 oo ciyaartoy oo ka kala yimid qaaradda oo dhan waxaana la weydiiyey hal su’aal oo ahayd: ciyaaryahankee raga ugu fiicanaa adduunka oo dhan sanadkii 2016?
Kadibna waxaa lasii siiyay doorashooyinkooda kale ee ku aadan 100-ka laacib ee ugu fiican adduunka.
Liiska 20-ka ciyaar yahan ee ugu sareeya 100-ka laacib ee the Guardian halkan hoose ka aqriso.
- Cristiano Ronaldo |Real Madrid
- Lionel Messi |Barcelona
- Luis Suarez |Barcelona
- Antoine Griezmann |Atlético Madrid
- Neymar|Barcelona
- Gareth Bale |Real Madrid
- Robert Lewandowski |Bayern Munich
- Pierre-Emerick Aubameyang|Borussia Dortmund
- Alexis Sánchez |Arsenal
- Riyad Mahrez |Leicester City
- Sergio Agüero |Manchester City
- Luka Modric |Real Madrid
- Kevin De Bruyne |Manchester City
- Gonzalo Higuaín |Juventus
- Andrés Iniesta |Barcelona
- N’Golo Kanté |Chelsea
- Paul Pogba |Manchester United
- Manuel Neuer |Bayern Munich
- Jamie Vardy | Leicester City
- Zlatan Ibrahimovic | Manchester United.
Qore: Abdiaziz Adan Urur.