Himilo FM – Sanadkii la soo dhaafay, waxaa kordhay dhimashada ka dhalatay shilalka diyaaradaha marka loo fiiriyo sanadkii 2017, sidaa oo ay tahay, Waxa uu sanadkii tagay ahaa sanadkii 9aad ee ugu badqabka badnaa caalamka diyaaradaha sida xoggo cusub ay muujiyeen.
Shilalka diyaaradaha waxaa ku dhintay 556 qofood sanadki 2018 marka loo eego 44 qofood oo geeriyootay sanadkii 2017 sida laga soo xigtay shirkadda ASN.
Shilkii ugu xummaa ee dhaca sanadkii hore waxa uu ahaa kii diyaaradda Lion Air Plane oo ku burburtay Indonesia iyadoo galaafatay nolosha 189 qofood.
Sanadkii 2017 waxa uu ahaa sanadkii ugu badqabka badnaa taariikhda dunida iyadoo uusan qof rakaab ah ku dhiman shil diyaaradeed.
Hay’adda ASN ee xarunteedu tahay Netherland ayaa xustay inay dhaceen 15 shil diyaaradeed sanadkii 2018-ka. Waxaa kamid ah mid dad badan ku dhinteen.
Si kasta, xaaladda badqabka ah ee diyaaradaha ayaa soo hagaagaysay 20-kii sanno ee ugu danbeysay.
“Haddii xaddiga shilalka uu ahaan lahaa sida 10 sanno ee la soo dhaafay, waxaa jira lahaa 39 shil diyaaradeed sanadkii la soo dhaafay,” sidaasi waxaa yiri Harro Renter oo ah madaxa fulinta shirkadda ASN.