Home / Arrimaha Bulshada / 21 November – Maalinta Macallinka Soomaaliyeed

21 November – Maalinta Macallinka Soomaaliyeed

Himilo- Sannad kasta, 21-ka November ayaa la xusaa maalinta macallinka Soomaaliyeed si loo  weyneeyo doorka uu horumarinta bulshada kaga jiro.

Maalintan waa maalin la is xusuusiyo doorka macallinku ku leeyahay mujtamaca Soomaalida waana maalin fasax oo shaqooyinka laga nasto. Waxaa sidoo kale waqtiyo kala duwan gooni-gooni looga kala xusaa dalalka qaar ee dunida.

Caalamka, maalinta caalamiga ee Macallinka ayaa si sanadle ah looga dabaal-degaa taas oo isku keenta dowladaha iyo ururrada caalamiga ah. Iyada oo macalimiinta loo aqoonsaday awoodda kaliya ee lagu gaari hiigsiga 2030 SDG, waxaa jira dadaallo lagu doonayo in sare loogu qaado heerka aqooneed ee barayaasha iyo wajihista caqabadaha horyaalla oo xagal-daacin ku sameyn kara hab-sami-u-socodka howlgalkooda sida tira-yarida barayaasha.

Waxaa jira 29 milyuun oo macalimiin dhigta dugsiyada hoose. Walina waxaa loo baahan yahay tiro intaas ka badan.

Celceliska macalinku uu sanadkiiba shaqeeyo waxaa lagu sheegay inay dhan tahay 786 saacadood oo ay fasallada kula jiraan ardaydooda.

Kuur-gal baaritaan oo ay sameysay Gates Foundation ayaa lagu sheegay in lacagtu aysan ahayn 10-ka asbaabood ee ugu sarreysa oo macalimiintu shaqadooda ugu heelan yihiin. Mid kamid ah asbaabaha waxaa lagu tilmaamay sameynta is-bedel ay rabaan inay ku bedelaan bulshooyinkooda.

Soomaaliya, macallinka waxa uu kaalin mugleh ku leeyahay barbaarinta iyo waxbarida bulshada isaga oo ku shaqeeya xaalado deegaan oo adag. Si kasta baraha Soomaalida ayaa taaj u ah dhismaha dalka, waa sababta ay dad badan u aflaxeen.

Macallimiinta dalkeenna waxay u baahan yihiin in cod sare loogu muujiyo mahadcelinta iyo qadarinta loo hayo islamarkaana la kordhiyo dakhliga ay ku shaqeeyaan. Tani waxay horseed u noqon kartaa bulsho dhisan oo waxbarasho ku hana qaada. Dalka Jarmalka, macalimiintu waa kuwa ugu dakhliga badan shaqaalaha. Markii qareennada, dhaqaatiirta iyo injineerradu dalbadeen inay la sinnaadaan, hoggaanka Jarmalka, Angela Markeal waxay ugu jawaabtay sideen idin la simmaa kuwa idin kaba wax idin soo

About Mahad Mohamed

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan