Home / Haweenka / 25 Nov – Maalinta Caalamiga ee Ciribtirka Rabshadaha ka-dhanka-ah Haweenka.

25 Nov – Maalinta Caalamiga ee Ciribtirka Rabshadaha ka-dhanka-ah Haweenka.

Muqdisho – Maalinta Caalamiga ee cirib-tirka rabshadaha ka-dhanka ah haweenka waa waxaa loo dabaal-degaa 25 Nov sanad kasta si la iskugu baraarujiyo dhibaatooyinka heysta dumwarweynaha adduunka iyo dadaallada loogu raadinayo helidda samata-bax iyo negaadi nololeed oo huban.

Taariikh ahaan, maalintan waxay ku beegan tahay shirqool dil oo sanadkii 1960-kii saddex gabdhood oo walaalo ah kuwaas oo ahaa geyfanayaal ama u dhaqdhaqaaqayaal siyaasadeed loogu geystay dalka Dominican Republic. Dilkooda waxaa amray dikteerarkii xilligaas ka talin-jiray oo lagu magacaabo Rafael Trujillo.

Sanadkii 1981-kii, geyfanayaal ka socday Latin American and Carribbean Feminist Encuentros ayaa 25 Nov u asteeyey maalin lala dagaallamo: korna loogu qaado wacyiga la xiriira rabshadaha ka-dhanka-ah dumarka.

Bishii December sanadkii 1999-kii, si kastaba, maalintan waxay heshay baraaruga rasmiga ah oo QM ay ku aqoonsatay baaqa caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Rabshadaha ka-dhanka-ah haweenka iyo gabdhaha waa mid kamd ah ku xad-gudubyada baahsan ee lagula kaco dumarweynaha caalamka ku nool maanta.

Sinnaan la’aantu waxay ka jirtaa meelo badan oo dunida kamid ah. ku guuleysiga sinnaanta lab-dhedig iyo xoojinta haweenka iyo gabdhaha waxay u baahnaan doontaa dadaallo joogto ah iyo qorshayaal fog oo lagu horumarinayo aayatiinkooda. Waana qeyb kamid ah hiigsiga 2030-ka ee barnaamijka horumarinta joogtada ah ee QM.

Duni ahaan, mid kamid ah saddexdii hablood kasta waxay la kulantaa rabshado inta ay nooshahay. Waxayna ka dhex dhacdaa dal ama bulsho kasta sida guryaha, iskuullada, jidadka, goobaha shaqada, internet-yada iyo xarumaha qaxootiga ama barakacayaasha. Sidoo kale, kalama lahan xilli dagaal iyo waqti nabadeed toona. Aalaaba madhacdo in loo qabto ama loo ciqaabo kuwa ka danbeeya xad-gudubyada lagula kaco dumarka.

Rabshadaha ka-dhanka-ah haweenka waa nuuca ugu qotada dheer ee faquuqa ama takoorka. Marka loo eego warbixin si hordhac ah loo bandhigay, xog laga ururiyay haweenka da’doodu u dhaxeyso 15-49 sanadood oo ku nool 87 dal intii u dhaxeysay sanadihii 2005-2016, 19% kamid ah waxay sheegeen inay la kulmeen rabashado jir ahaaneed ama wax-yeelo kale sida u-galmashoodka. Kiisaska ugu naxdinta badan waa in rabshadaha qaar ay ku danbeeyaan geeri.

Sanadkii 2012-ka, kala bar haweenka dhibanaha u noqday ugaarsiga, waxaa dilay kuwii soo dhagray ama ehelladii ay ka dhasheen.

Mid kale oo kamid ah rabshadaha lagu hayo haweenka waa gudniinka Fircooniga ah. dhaqankan halista leh wuxuu taniyo sanadkii 2000 hoos ugu dhacay 24%. Walina korokiisu wuxuu figta sare uga jiraa dalalka la-dagaallamaya cirib-tirkiisa. Xog laga ururiyay dalalkan sanadkii 2015-ka ayaa lagu caddeeyey in mid kamid ah saddexdii gabar ee u dhaxeeya da’da 15 ilaa 19 loo gudo qaabka Fircooniga marka lala barbardhigo mid kamid ah labadii gabdhoodba in loo gudo Fircooniga sanadkii 2000.

Cilmi-baaris wehlisay xogta laga ururiyay dalalka waxaa lagu qeexay in ku guuleysiga sinnaanta lab-dhedig ay kahor-tag u noqon karto qalalaasaha iyo tirada sarreysa rabshadaha ka-dhanka-ah dumarka.

Mid kamid ah caqabadaha ku horgudban dadaallada looga soo horjeedo laguna dhameynayo rabshadaha ka-dhanka-ah dumarweynaha caalamka, waa heliwaaga saami sugan oo lagu howl-geliyo qorshayaasha lagu horumarinayo tayayntooda.

Dhib malahan meesha rabshadaha ka-dhanka-ah dumarka ay ka dhacaan: ama sida ay ku  dhacaan ama uu u saameeyo noloshooda. Waa in la joojiyaa oo kaliya. Balan-qaadka hiigsiga horumarinta joogtada ah ee QM lagama guul gaari karo ilaa iyo inta laga soo gabagabeynayo xad-gudubyada ka-dhanka-ah haweenka.

Qore: Zakariya Xasan Maxamed.

Kala xiriir: farriin-danabeed; hiraal86@gmail.com.

About radio himilo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

error: Copy lama Ogola Fadlan