Himilo- Haweeney ka soo jeeda gobolka Chicago ee dalka Mareykan-ka ayaa noqotay qofkii ugu da’da weynaa dunida ee baarashuud ku duula. 104-jir u dhalatay mareykan-ka ayaa sidaa ku gashay buugga waxyaabaha layaabka ah lagu diiwaan galiyo.
‘da’du waa tiro’ sidaa waxaa tiri Dorothy Hoffner oo lahadashay dadkii ku sugaye goobta dayac gacmeedka ku dajisay.
Horay waxaa buugga dhacdooyinka layaabka dunida ugu jiray Linnea Ingegard oo u dhashay dalka Sweden, isagoo da’diisu jirto 103 sanno ayuu ku duulay baarshuud bishii May sanadkii 2022.
Ma’ ahan markii ugu horeyse ee haweeneydan baarshuud raacdo, markii 100 sanno jirtay ayay sidan oo kale sameyse. Meel dhulka u jirta 13,500 oo feet ayay baarshuudka uga soo duushay. Haweeneydan oo bisha December gaareysa 105 sanno waxay balan qaaday inay sameyn doonto waxbadan oo dunida ka yaabiya.