Himilo – Arbaab Kaiser oo u dhashay Pakistan islamarkaana culeyskiisu yahay 450 kg ayaa raadinaya xaas u dhiganta oo u qalanta sida laga soo xigtay warbaahinta Pakistaan.
Ninkan 27 jirka ah ayaa diiday guurka 300 gabdhood sabab la xiriirta inay ka yaryihiin jir ahaan iyo da’ intaba.
Sida uu qoray wargeyska Daily Mail, Arbaab ayaa sheegay in gabadha uu guursanayo qasab tahay inay noqoto cunto-kariye wanaagsan si ay uga soo dhalaasho baahidiisa xagga cuntada oo ku dhisan 10,000 calories maalintii.
“Waxaan doonayaa xaas culus, dhammaan gabdhaha guurka iga dalbaday way caateysan yihiin,” ayuu yiri Arbaab.
Waxa uu intaa raaciyay “Gabadhii dooneysa guurkeyga, waa inay dhashaa carruur waaweyn, laakiin wali ma aanan helin.”
Sida uu caddeeyay, Arbaab ayaa la kulmay 300 gabdhood oo ka dalbaday guur laakiin waxay uu tilmaamay in uusan ku qancin jir ahaan maadaama uu miisaankiisa culus yahay.
Mar su’aal laga weydiiyay xaaladiisa caafimaad, ninka miisaanka culus ee reer Pakistaan ayaa ku jawaabay in uusan ka cabaneyn xaalad caafimaad darro.